isniin 10,Nov 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacan adag ku qabanayso Shabakadaha Ka shaqeeya tahriibinta Dadka, waxa ay tilmaamtay in ay heshay raadraac ku filan oo lagu gaari karo soo afjaridda Kooxahaas sida hadalka loo dhigay.
Taliyaha Hoggaanka Dambi baarista Booliiska ee C.I.D, Gaashaanle Sare Muxudiin Axmed Cismaan ayaa ciidamada iyo saraakiisha waaxdaan ka shaqeeya faray in ay indhaha si gaar ah ugu hayaan Baraha Bulshada oo ah meesha ugu badan ee dadka laga Tahriibiyo.
Waxa uu intaas ku daray in ay jiraan oo xogtooda hayaan Goobo si gaar ah uga shaqeeya Tahriibinta Dadka sida shirkadaha dadka u fududeeya safarrada (Travel Agency) si looga hortago khatarta kusoo wajahan Bulshada sida uu hadalka u dhigay.
“Tahriibinta culaysyo badan ayaa ka jiro runtii, saraakiishii aan u xilsaaray arrintaan si ay u dabagalaan soona qabtaan dadka ka shaqeeya, waxaa la rabaa in lasoo ogaado meesha asalka ah, waxaa dadka fikirka tahriibka looga dhaadhiciyaa Baraha Bulshada, waa in la dabagalaa, Ajansiyada ayaa qayb ka ah, iyanna waa in la dabagalo, waa kuwa jara Tikidhada, fududeeyanay Baasaboorka” Ayuu yiri Taliyaha C.I.D. Gaashaanle Sare Muxidiin Axmed Cismaan.
Maxkamadda Gobolka Banaadir waxaa horay la horgeeyay Dad qaarkood dib looga soo celiyay Dalal kale iyaga oo tarhiib ah, shaqsiyaad lacago uga qaatay sidii ay ugu fududeyn lahaayeen safarkooda halista badan iyo kuwo kasoo badbaaday dhibaatooyin ay kala kulmeen tahriibka.






