spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS DFS oo dib u celisay Ciidankii Siciid Deni & Axmed Madoobe oo...

DFS oo dib u celisay Ciidankii Siciid Deni & Axmed Madoobe oo Kuso Wajahnaa Magaalada Muqdisho.

0
13

Axad 1  February 2026 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay dib u celisay diyaarado waday Ciidamada hubaysan oo kasoo duullay Garoowe & Kismaayo isla markaana hordhac u ahaa Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Daqiiqado kahor inta aan la celin ciidankaan waxaa Baraha Bulshada lasoo geliyay iyaga oo kasoo safraya Magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo isla markaana hubaysan halka qaarkood dhammaan jirkooda ay dahaaran yihiin.

Intaas kaddib waxaa soo baxay warka la xiriira in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay amartay in ay dib ugu noqdaan Ciidamadaas labadii Magaalo ay kasoo safreen ee Garoowe iyo Kismaayo sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Ma jiro war faahfaahsan oo Dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo saartay sababta ka dambaysa go’aankaan maadaama ay hordhac u ahaayeen Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ku martiqaadan shirka ay ku ballansan yihiin Dowladda iyo Mucaaradka.

Sidoo kale ma jiro war kasoo baxay Dowlad-Goboleedyada Puntland & Jubbaland oo looga falceliyay go’aankaan, waxaana la sugayaa go’aanka Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ka qaataan arrintaan & sida uu noqon doonno safarkooda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here