Khamiis 28 Aug 2025 {HMC}Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgallo ay saacadihii la soo dhaafay ciidanka xoogga ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga XFS ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga ay howlgallo ka sameeyeen tuulooyinka Macallinka, Baladul Amiin, Cumar Beere iyo Balow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
“Inta lagu guda jiray howlgalka, ciidanku waxay burburiyeen godad iyo meelihii ay ku dhuuman jireen Xubnaha Al-Shabaab” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.
Sidoo kale, Wasaadda ayaa sheegtay in ciidanka ay miinooyin ka soo saareen waddooyinka muhiimka ah ee gala Tuulooyinka laga sameeyay howlgalka.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Difaaca ayaa ugu baaqday bulshada deegaanka in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta iyo garab istaagga ciidamada, si loo sii wado howlgalka.
Maalmihii la soo dhaafay ciidamada xoogga ayaa howlgallo amiga lagu xaqiijinayo ka waday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.



