Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in ciidamada is kaashanaya ay si adag uga hortageen weerarka Al-shabaab, islamarkaana jab xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka AS.
“Ciidamada Qaranka oo ku jiray heegan buuxa iyo feejignaan sare ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerarka, waxayna ku guuleysteen inay fashiliyaan damaca maleeshiyaadka argagixisada ah iyo isku daygoodii ahaa inay gudaha u galaan deegaanka. Intii uu dagaalku socday, waxaa looga dilay 18 ka mid ah kooxda Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Wasaaradda Gaashaandhigga waxay sidoo kale si buuxda u bogaadisay geesinimada iyo dhabar adayga ay muujiyeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee kooxda sida adag uga difaacay deegaanka Sabiid iyo Caanoole.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga oo dhameystiran:-







