Arbaco 23 July 2025 {HMC}Wasaaradda amniga gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo maanta ku dhexmaray magaalada Baladxaawo ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa eedeymo culus loogu jeediyay iyo inuu ka dambeeyay dagaalkii maanta ka dhacay Beledxaawo hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe.
Waxaa sidoo kale Warsaxafadeedka lagu sheegay in caddaalada la hor keeni doono cid kasta oo ku lug yeelata weerarkii maanta lagu qaaday ciidanka amniga ee ku sugnaa magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
“Falkaan oo qayb ka ah dambiyada joogta ah ee uu ku kacayo Axmed Madoobe ayuu si ku talo gal ah ugu weeraray xarumo ay ka mid yihiin xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo xeryo ay dagan yihiin ciidamada amniga” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha.
Ugu dambeyntii Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya lagu faahfaahin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay gudaha magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.




