Axad 4, Jan 2026 {HMC} Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal gaar ah ka fuliyay degmada Jilib, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta argagixisada Al-Shabaab.
Hawlgalka ayaa lagu dilay 15 dhagarqabe, halka sideed kale gacanta lagu dhigay. Hawlgalka oo la fuliyay xilliga habeenkii ayaa muujiyay kororka awoodda hawlgal ee Ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan adeegsiga gaadiidka cirka si loo ballaariyo hawlgallada, laguna gaaro cadowga goob kasta iyo waqti kasta.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bogaadinayaan geesinimada, kartida, iyo heeganka CXD, iyagoo mar kale adkaynaya ballanqaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtirayo khatarta argagixisada, lana xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta oo ay helaan shacabka



