Isniin 19-Jun 2026 {HMC} Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday waqtiga qabsoomida Shirka u dhaxeeya Dowladda iyo madaxda Mucaaradka ee ku mideeysan Golaha Mustaqbalka Qaranka, si loo dardargeliyo ka doodista siyaasadda guud ee dalka iyo gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in go’aankan uu salka ku hayo ballanqaadkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo horey u shaaciyay in la dardargelinayo hannaan wadatashi qaran oo ku wajahan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Xukuumaddu waxay tilmaantay in shirkaan diiradda saarayo adkeynta midnimada ummadda Soomaaliyeed, xoojinta wadajirka bulshada, taageeridda hannaan dimuqraadi ah oo ku dhisan wadatashi iyo isu-tanaasul, isla markaana lagu xaqiijinayo in codka muwaadinka uu door muuqda ka yeesho masiirka dalka.
Sidoo kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in qabanqaabada shirkaan lala galayo Golaha Mustaqbalka Qaranka ay hormuud ka noqon doonaan Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin dhinaca Golaha Mustaqbalkana iyagu ay xubno soo magacaaban si loo mideeyo ajendayaasha Shirka, iyadoo la xaqiijiyay in shirkaasi uu ka dhici doono magaalada Muqdisho, isla markaana uu socon doono muddo dhowr maalmood ah waxaana si rasmi ah u furmayaa 1da Bisha Febraayo ee soo socota.
Arrintan ayaa imaanaysa xilli go’aamadii ka soo baxay shirkii mucaaradka ay ku yeesheen magaalada Kismaayo ay ku jireen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gogol fidiso ka hor 20-ka Janaayo, kaas oo si gaar ah looga arrinsan doono mustaqbalka doorashooyinka dalka, hannaanka loo marayo, iyo sidii loo gaari lahaa heshiis siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin dhammaan daneeyayaasha siyaasadda.




