Isniin 22 Dec 2025 {HMC} Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka maalmaha naga xiga ee 2026 waxaa lagu daray lacag si gaar ah loogu Maaraynayo Abaarta dalka ka jirta oo la saadaalinayo in ay kasii dari karto haddii aan Roob da’in.
Guddiga Miisaaniyadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare si wadajir ah ula wadaagay xogta lacagtaas ay u sheegtay Wasaaradda Maaliyadda ayaa xusay in si gaar ah loogu maaraynayo Abaarta.
Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdillaahi oo Baarlamaanka labadii Aqal la wadaagay xogta Miisaaniyadda 2026 ayaa sheegay in lacagtaan oo dhan $2.2 Milyan oo doollar keliya lagu maaraynayo Abaarta kuna howlgalayo Guddi gaar ah.
“Miisaaniyadda 2026 waxaa lagu soo kordhiyay madax hoosaad la dhaho Maaraynta Musiibooyinka, maadaama la saadaalinayo abaar u dhiganta tii 2011, waxaana lagu maarayn doonnaa $2.2 Milyan oo lagula tacaalayo xaaladaha degdega ah oo keliya” Ayuu yiri, Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdillaahi, Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka.
Dhanka kale, waxa uu carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay soo qaadanayso Lacag Dayn ah oo aan culays badan Dalka ku yeelan doonin isla markaana lagu bixin doonno muddo ku siman 2030 ilaa 2040 sida uu hadalka u dhigay.
“Miisaaniyadda 2026 waxaa ku jira $46.4 Milyan oo ka kooban $17.4 oo deeq ah & $29 oo Dayn ah oo loogu talagalay Taageerrada Waxsoosaarka, Kobcinta dhaqaalaha & Abuurista Fursasho Shaqo” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdillaahi, Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka, Federaalka Soomaaliya.






