DFS oo Mudeeysay Waqtiga Dhismaha maamulka SSC Khaatumo

0
35

Axad, 29 June 2025 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta ayaa ku dhawaaqday in shirweynaha dhamaystirka maamulka SSC-Khaatumo la qaban doono 10-ka bisha July 2025.

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda ayaa lagu xusay in go’aankan uu salka ku hayo dadaallada socda ee la xiriira dhismaha iyo dhamaystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo.

Warqadan ayaa la sheegay in ay daba socoto go’aanadii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran iyo booqashadii ra’iisul wasaare Xamsa ee 15-kii April 2025.

Wasaaraddu waxay sidoo kale magacaabeysaa xubno farsamo oo ka shaqeyn doona arrimaha shirkan iyagoo la shaqeyn doona dowladda federaalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here