DFS oo qarka u saaran in ay la wareegto Magaalada Baydhabo.

0
42

Jimco 27 Mar 20026 {HMC} Xiisad colaadeed ayaa la dareemayaa inta u dhaxaysa magaalooyinka Baydhabo iyo Buur hakaba oo qiyaastii 60 km isu jira, taas oo u dhaxaysa maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Labada dhinac waxay saacadihii u dambeeyay halkaas ku daadgureeyeen ciidamo farabadan, iyada oo laga cabsi qabo dagaal deegaannadaas ka qarxa.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidamada ka amar qaata siyaasiyiinta muraacadka ee la magacbaxay Badbaadada Koonfur Galbeed oo isku garabsanaya ayaa doonaya in ay la wareegaan Baydhabo, oo ah magaalada keliya ee gacanta ugu jirta maamulka Laftagareen.

Xiisadda labada dhinac waxay salka ku haysaa khilaafka doorashada maamulkaas ee u dhaxaysa maamulka Laftagareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo qaarkood ay xilalal ka hayaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here