DFS oo shaacisay in ku dhawaad 30 xubnood As lagu dilay Jubbada Hoose

0
15

Sabti 24 Jun 2025 {HMC}  Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ay si wadajir ah wali uga wadaan gobolka Jubbada Hoose cidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland.

War qoraal ah oo goordhaw kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalada ciidamadu kusii baacsanayaan Al-shabaab ee ka socda deegaanada ka fog fog Kudhaa in lagu dilay 24 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

“Howlgalladii ugu dambeeyay ee la sameeyay ilaa xalay ayaa lagu dilay 24 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, ayadoo sidoo kale lagu soo qabtay labo xubnood oo dhaawac ah, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah ee Kudhaa” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Waxaa sido kale warka kasoo baxay dowlada lagu sheegay in aroornimadii hore ee saakay ciidamo howlgal qorsheysan ka fuliyay isla deegaankaas ay dileen afar xubnood oo ka mid ahaa firxadkii kooxda ee ka baxsaday dagaaladii hore.

Dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in ciidamadeeda ay weli ku raad joogaan horjooge Fu’aad Shangole oo ay sheegtay in la xaqiijiyay inuu qabo dhaawac culus.

Ugu dambeyntii howlgaladaan ciidamada iskaashanaya ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan uu ka dhacay magaalada Kudhaa dagaal jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab oo looga dilay in ka badan 130 xubnood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here