spot_imgspot_imgspot_img
Home ARIMAHA BULSHADA DFS oo Shaacisay Waqtiga Dib loo galaayo Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee...

DFS oo Shaacisay Waqtiga Dib loo galaayo Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee degmada Luuq.

0
28

Sabti, 20,Sep 2025 {HMC} Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay ku wargelineysaa ardayda, maamulka dugsiyada, macallimiinta iyo waalidiinta degmada Luuq in dib loo gali doono Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare ee natiijadiisa horey loo baabi’iyey.

Imtixaanka dib u galitaanka waxa uu dhici doonaa 18-ka Oktoobar 2025.
Sidaa darteed, waxaa lagu boorinayaa dhammaan ardayda in ay si buuxda ugu diyaar garoobaan muddada ka hartay taariikhda rasmiga ah ee imtixaanka.

Wasaaraddu waxa ay ku celinaysaa muhiimadda ay leedahay in ardaydu helaan fursad caddaalad iyo hufnaan ku dhisan, isla markaana imtixaanka loo maro si masuuliyad iyo dedaal leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here