Arbaco 03 julay 2024 {HMC} Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Doowladda Fadaraalka Soomaaaliya
Ayaa Shaacisay Sharuudaha Laga Rabo Macalimiinta Cusub oo aay wasaradu Qaadaneeyso.
Hoos Ka Aqriso Sharuudaha Macalimiinta Cusub ee Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya.
๐. ๐๐ก๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐๐จ ๐๐ฎ๐ฎ๐:
Shuruudaha guud ee codsadaha looga baahanyahay waxaa ka mid ah in uu:
1. Heysto shahaaddada darajada koowaad ee heer jaamacadeed oo ay wasaaraddu aqoonsan tahay.
2. Ka gudbo imtixaanka qaadashada macallimiinta oo ah qoraal iyo af.
3. San lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, goโaan qaadashadiisa ama sumcaddiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimmi karta.
4. Leeyahay akhlaaq fiican iyo dulqaad, ka fayowyahay cudurrada la is qaadsiiyo, aanu lahayn iin wax u dhimi karta gudashada xilkiisa.
5. San horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.
6. Daโdiisu u dhaxayso 22-60 jir.
7. Leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.
8. Diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo goobta lagu qoro.
๐. ๐๐๐ซ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐/๐๐ก๐๐ฑ๐
Baraha codsanaya dugsiyada hoose/dhexe waa inuu dhigi karaa ugu yaraan afar ka mid ah maadooyinka lagu dhigo dugsiyada hoose iyo dhexe.
๐. ๐๐๐ซ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐ฌ๐๐ซ๐
Baraha codsanaya dugsiyada sare waa in uu haysto shahaadada kulliyada waxbarashada
Baraha codsanaya dugsiyada sare waa in uu dhigi karaa, ugu yaraan, laba (major/minor) ka mid ah maaddooyinka dugsiyada sare lagu dhigo
๐. ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐๐๐ง๐๐๐ง๐๐๐
Baraha codsanaya dugsiyada xannaanada waa in uu dhigi karo dhammaan maaddooyinka dugsiyada xannaanada lagu dhigo.
Waa inuu fahamsan yahay baahiyaha carruurta yaryar.
๐๐จ๐๐ฌ๐ข๐ ๐:
Codsiga shaqada waa qaab online ah, iyadoo la buuxinayo dhammaan xogaha codsiga ku jira lana soo raacinayo dokumentiyada hoos ku xusan:
๐๐ข๐๐๐๐ช๐ฒ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐ค๐ ๐๐ก:
1. Nuqul shahaaddada iyo xogta dhibcaha (transcript) heerka 1aad ee jaamacadda.
2.Nuqul taariikh nololeedka (CV) oo ku qoran Af Soomaali.
3. Hal sawir oo la qaaday labadii bil ee ugu dambeysay.
๐
๐ข๐ข๐ซ๐จ ๐๐๐๐ซ ๐๐ก:
Gabdhaha waxaa lagu dhiirrigelinayaa in ay fursadahan ka faaโiideystaan, Codsiyadoodana qadarin gaar ah la siin doono.
Codsade walba waxa uu soo gudbin karaa, oo keliya, hal dalab, isaga oo ku caddeynaya halka degmo ee uu ka shaqeynayo.
๐๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐๐ ๐๐จ๐๐ฌ๐ข๐ ๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐๐ ๐ฒ๐๐ก๐๐ฒ ๐ฐ๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฒ ๐๐, ๐๐๐๐. ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐:๐๐ ๐๐



