Isniin, 1 Dec, 2025 {HMC} Warbixin laga diyaariyay la dagaalanka musuqmaasuqa sida uu qeyb uga yahay sugida Amniga Magaalada Muqdisho.
Warbixin uu daabacay Telefishinka laga leeyahay dalka Jarmalka ee DW ayaa looga hadlay nabadda iyo amniga ka jira magaalada Muqdisho, gaar ahaan kaalinta ay ciidanka ku sugan Baraha Kontrool ka qaateen.
Warbixinta oo lagu soo xiganayo saraakiil dhinaca amniga ayaa sheegay in meesha laga saarey lacagaha musuqmaasuqa ee lagu laaluuliishi jiray qaar kamid ah Askarta ku sugan Baraha Kontrool oo laga yaabo in ay soo daayaan qof ama gaadiid aan la baarin.
Daraasado dhinaca amniga ah oo la sameeyay ayaa qeexaya in tan iyo sannadkii 2023 ay hoos u dhaceen tirada weerarada iyo qaraxyada gudaha Muqdisho in ka badan 86%.
Mid kamid ah Darawada gaadiidka ee gudaha Muqdisho oo warbixinta ay soo xigatay ayaa tilmaamay in sannado ka hor ay jireen askar si bareer ah u weydiisa lacago musuq maasuq ah.
Dowladda ayaa qaaday tillaabooyin dhinaca amniga ah oo xitaa sahlay in dhagaxyada laga qaado qaar kamid ah jidadka gala xaafadaha, ka dib markii la arkay sida xaaladda u soo haggaageyso.
Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in dowladda dhalinyarro xirfad leh ku biirisay howlaha sugida amniga, si meesha looga saaro dadka qeybta ka ah amni darrada iyo musuq maasuqa.
Warbixintaan ayaa ku soo aadeysa xilli isbadal amni laga dareemayo degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo ay hoos u dhaceen falalka lidka ku ah nabadgalyada.



