spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS DFS oo si rasmi ah u billowday dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Badda...

DFS oo si rasmi ah u billowday dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Badda Soomaaliyeed

0
19

Arbaco 11 Feb 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u billowday dadaallo lagu dhisayo laguna tayeynayo Ciidanka Badda Soomaaliyeed, iyadoo dowladda Turkey ay qaadanayso doorka tababarka iyo taageerada farsamo ee ciidamadaas.

Qalabkii ugu horreeyay ee tababarka Ciidanka Badda ayaa dhawaan la keenay magaalada Muqdisho, taas oo astaan u ah bilowga qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo awoodda badeed ee dalka.

Maanta, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Badda Turkey, Admiral Mustafa Kaya, ayaa soo gaaray Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya.

Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta tababarka, iskaashiga farsamo, iyo horumarinta awoodda difaac ee badda.

Sidoo kale, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dhawaan dowladda Sucuudiga, oo shir la yeelatay saraakiisha amniga Soomaaliya, ay weydiisay Dowladda Federaalka in ay si rasmi ah u caddeyso baahiyaha ay ka doonayso Boqortooyada Sucuudiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa gudbisay laba qodob oo muhiim ah: in la siiyo maraakiib dagaal iyo in loo fududeeyo helista iyo iibsashada diyaaradaha milatari ee ay soo saarto Pakistan.

Dowladda Sucuudiga ayaa la sheegay inay diyaar u tahay inay Soomaaliya siiso maraakiib ay horay u isticmaali jireen ciidankeeda badda, balse hadda ka baxaya adeegsiga maadaama lagu beddelay qalab casri ah oo noocii ugu dambeeyay ah.

Maraakiibtan ayaa la filayaa inay door weyn ka qaataan sugidda ammaanka xeebaha Soomaaliya iyo la-dagaallanka tahriibta, burcad-badeedda, iyo khataraha kale ee badda.

Dhanka kale, Turkey ayaa si rasmi ah u bilaabaysa tababarka ciidamada la qorsheeyay, halka heshiisyada la xiriira maraakiibta badda la filayo in lagu dhammeystiro booqashada uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku tegi doono Boqortooyada Sucuudiga maalmaha soo socda.

Tallaabooyinkan ayaa muujinaya dadaal xooggan oo ay dowladda Soomaaliya ku doonayso inay dib ugu dhisto awooddeeda difaac ee badda, isla markaana ay xoojiso iskaashiga amni ee ay la leedahay dalalka saaxiibka ah, si loo sugo madaxbannaanida iyo badbaadada biyaha Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here