DFS oo war ka soo saartay go’aanka ay KGS xiriirka ugu jartay.

0
4

Arbaco 18 March 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si adag u cambaaraysay go’aanka maamulka Koonfur Galbeed ee hakinta wada-shaqeyntii kala dhaxaysay dowladda dhexe, iyadoo caddeysay in ay weli gudaneyso waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ka saaran deegaannadaas.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto xaaladaha ka soo cusboonaaday Koonfur Galbeed, isla markaana ay ka walaacsan tahay caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni oo saameyn kara xasilloonida.

DFS ayaa xustay in aysan qayb ka ahayn xasillooni darrada ka jirta qaar ka mid ah deegaannada, balse ay wado dadaallo lagu joojinayo colaadaha, laguna xallinayo khilaafaadka wadahadal.

Sidoo kale, dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday maamulka Koonfur Galbeed in uu sii wado ka qayb ahaanshaha hannaanka dib u heshiisiinta iyo dimuqraadiyeynta dalka.

Ugu dambeyn, DFS waxay ugu baaqday bulshada, beelaha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed in ay ka feejignaadaan wax kasta oo halis gelin kara amniga, nabadda iyo badqabka shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here