Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dhammaan alaabihii laga saaray bakhaarka dekedda Muqdisho ee saameynta ku yeeshay hawlaha ballaarinta dekedda si buuxda loogu soo celiyey Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP).
Dowladdu waxay mas’uuliyad buuxda ka qaaday dhacdadan, waxayna WFP siisay bakhaar weyn oo ku habboon kaydinta iyo qaybinta alaabta si hufan.
Dowladda ayaa sidoo kale ballanqaaday in la xoojiyo isuduwidda iyo wadaagga macluumaadka lala yeesho deeq-bixiyayaasha caalamiga ah si looga hortago dhibaatooyin la mid ah mustaqbalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii wadaysaa ka go’naanshaheeda mabaadi’da gargaarka bini’aadantinimo, daahfurnaanta, iyo iskaashiga caalamiga ah ee taageeraya dadka Soomaaliyeed.







