isniin-25-March-2024 {HMC} Ramadaankan ayaa kusoo aaday xilli boqollaal kun oo Soomaali ah ay wali dareemayaan saameynti ay ku reebeen abaarihi xumaa ee sannadihi dhawaa iyo fatahaadihi gugi iyo deyrti hore.
Waxaa intaasi sii dheer sicir bararki ka dhashay xanuunkii COVID 19 ee ka horeeyay iyo isbaddalada ka socda dunida. Tani ayaa keentay in qoysas badan oo Soomaali ah ay la daalaan dhacaan helista afur iyo saxuux xilliga bishaan barakeysan ee Ramadan.
Waxaase jira dad qurbaha iyo gudaha Soomaaliyaba ku nool oo bishan barakeysan gargaara dadka dan yarta ah, iyagoo sii mariya dhalin yaro sama falayaal ah oo iskood



