Talaado 23, Dec 2025 {HMC} Dhakhtar ka shaqeeya isbitaal ku yaalla magaalada Shimla ee dalka Hindiya ayaa shalay si xun u garaacay bukaan, kaddib muran hadal ah oo dhex maray.
Warbaahinta Hindiya oo ay ku jirto The Indian of Times ayaa werisey in bukaanka oo lagu magacaabo Arjun Singh, uu dhibsaday erayada uu adeegsanayo dhakhtarka Raghav Narula, taa oo keentay inuu muran ugu dambeyn gacan ka hadal gaaray inuu dhex maro.
Bukaan waxaa dhaawac yar uu ka soo gaaray sanka, iyadoo si kumeel gaar ah dhakhtarka shaqada looga joojiyay, waxaana socda baaritaan.
Hindiya, waxaa loo aqoonsanyahay dalka ay caafimaadka u tagaan Soomaalida u badan ee caafimaad dibadda ah u baahda.



