spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Dhaqanka aan xasilloonayn ee Donald Trump oo Shiinaha u Abuuray Fursad Muhiim...

Dhaqanka aan xasilloonayn ee Donald Trump oo Shiinaha u Abuuray Fursad Muhiim ah.

0
18

Khamiis, 29, Jan 2026 {HMC} Sida durba la dareemayo, dhaqanka aan xasilloonayn ee Donald Trump iyo qaabka uu ula dagaallamayo xulafada Mareykanka waxay dunida gelinayaan marxalad cusub.

Dalal badan ayaa maanta ka fikiraya in ay ballaariyaan xiriirkooda, isla markaana ay dib u eegaan nidaamka dhaqaale iyo maaliyadeed ee caalamka, nidaam muddo dheer ku tiirsanaa Mareykanka. Isbeddelkan sii xoogeysanaya, waddadiisu si cad waxay u sii maraysaa Shiinaha.

Arrintan waxaa tusaale cad u ah booqashada Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska ee Shiinaha, iyo kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Shiinaha. Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska , Keir Starmer ayaa si toos ah u sheegay in aysan macquul ahayn in la iska indha-tiro Shiinaha, maadaama uu yahay dhaqaalaha labaad ee ugu weyn dunida, isla markaana Ingiriisku uu u baahan yahay iskaashi istaraatiiji ah oo muddo dheer ah, joogto ah, kana dhammaystiran dhammaan dhinacyada.

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa isna si daahfuran u qirtay in xiriirka Shiinaha iyo Ingiriiska sanadkii la soo dhaafay uu ahaa mid qalqal galay, balse wuxuu xusay in xaaladda caalamiga ah ee maanta jirta ay tahay mid adag oo caqabado badan leh, taas oo ka dhigaysa wada-hadalka iyo iskaashiga laba dal mid lama huraan ah.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Shiinaha iyo Ingiriiska, maadaama ay yihiin laba dal oo miisaan culus ku leh dunida, kana tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay xoojinta wada-hadalka iyo iskaashiga, si ay door muuqda uga qaataan xasilloonida iyo jihaynta nidaamka caalamka. Madaxweynaha Shiinaha ayaa intaa ku daray in waqtiga booqashada Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska uu yahay mid astaan leh, isla markaana uu rumeysan yahay in iskaashiga labada dal uu gaari doono heer ka sarreeya kii hore, lana furi doono bog cusub oo xiriirkooda ah.

Isbeddelladan dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee socda ayaa si toos ah u saameeyay hoos u dhaca dollarka Mareykanka iyo kororka qiimaha dahabka. Sababtu waa kalsooni-darro sii kordheysa oo caalami ah oo laga qabo dhaqaalaha Mareykanka, gaar ahaan marka la eego siyaasadaha qalafsan iyo farriimaha is khilaafsan ee ka imanaya Washington.

Ugu dambeyn, Trump oo isku muujiyay badbaadiyaha dhaqaalaha Mareykanka, ayaa maanta u muuqda inuu si dadban u noqday mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee qalalaase dhaqaale oo iman kara. Qalalaase aan kaliya saameyn doonin Mareykanka, balse laga yaabo inuu si buuxda dib ugu qaabeeyo nidaamka dhaqaale ee dunida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here