Dhexdhexaadiyayaal ka socda Turkiga, Masar iyo Pakistan oo isku dayaya in ay Joojiyaan Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka.

0
9

Axad 5 April 2026 {HMC} Dhexdhexaadiyayaal ka socda Turkiga, Masar iyo Pakistan ayaa si degdeg ah ugu dadaalaya inay Iiraan ku qanciyaan inay miiska wada-hadallada la fariisato Mareykanka, si loo joojiyo dagaalka ama loo gaaro xabbad-joojin ku-meel-gaar ah. Laakiin ilaa hadda, dadaalladaas wax natiijo ah ma aysan keenin.

Masuuliyiinta Iiraan ayaa diiday inay ka tanaasulaan dalabaadkooda, waxayna sidoo kale diideen soo jeedin ahayd in marin-biyoodka Hormuz la furo iyadoo lagu beddelayo xabbad-joojin ku-meel-gaar ah.

Waxay sidoo kale Iiraan u sheegtay dhexdhexaadiyeyaasha inaysan diyaar u ahayn inay la kulanto masuuliyiin Mareykan ah magaalada Islamabad maalmaha soo socda, ayna u aragto dalabaadka Mareykanka ee lagu doonayo in dagaalka lagu soo afjaro kuwo aan la aqbali karin, sida uu weriyey wargeyska Wall Street Journal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here