FAAH FAAHIN Qarax Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac oo lala beegsaday Jen Xasan Jaamici.

0
109

Axad 19 May 2024{HMC} Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan lala eegtay Jeneraal Xasan Jaamici oo kamid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Jeneraalka ayaa la ssheegay in qaraxa uu kasoo gaaray dhaawac, halka saddex kamid ah ilaaladiisa ay ku geeriyoodeen.

Wararka ayaa intaas kusoo daraya in qaraxa oo ahaa miink wadada la galiyay au burburisay gaari qooqan ah uu Jeneraalka watay, iyadoo aan lasio warin khasaare kala oo weerarkan ka dhashay.

Qaraxa Jeneraalkan ayaa kusoo beegmaya xili shalay uu yimid magaalada Muqdisho, waxaana dhawiciisa haatan lagula tacaalayaa gudaha isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here