Dhismaha Maamulka Cusub ee SSC oo gabagabo maraya.

0
44

Axad 27,July 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shirarka ka socda magaalada Laascaanood ee u dhaxeeya waxgaradka iyo mas’uuliyiinta gobolada dhisanaya dowlad goboleedka SSC Khaatumo.

Ergada ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dooday Magaca Maamulka, Calanka, Caasimada Laascaanood, Hanaanka Awood qaybsiga Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

Sidoo kale, doodaha ayaa sii socon doona ilaa maanta, iyada la filayo in lagu dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee ka soo baxday wada hadallada.

Dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kor joogteynaysa kulmadan ay yeelanayaan dadka daga gobollada Sool iyo Sanaag.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo la yeelanayay waxgaradka beelaha daga deegaannada loo dhisayo maamulka, isaga oo kala hadlayay sidii isfaham loo gaari lahaa.

Dadaallada maamul dhiska SSC Khaatumo ayaa waxaa diidan Somaliland iyo Puntland oo sheegta deegaannada qaar ee laga dhisayo dowlad goboleedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here