Dibadbax ka dhan ah Madaxweyne Donald Trump .

0
29

Axad 19 Oct 2025 {HMC}  Dibadbax ka dhan ah Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka socda Dalkaas, dadweyne aad u fara badan ayaa isugu soo baxay bannaanka Magaalooyin badan oo ku yaalla Waddankaan sida New York, Washington DC, Chicago, Miami & Los Angeles.

Waddooyinka iyo jidadka tareenka dhulka hoostiisa ah ayaa si aad ah waxaa u buux dhaafiyay dadka mudaharaadaya oo sita boorar ay ku qoran yihiin ‘Dimuqraadiyaddu ma ahan Boqortooyo, Dastuurka ma ahan mid ikhtiyaari ah’ iyo ereyo kale.

Qaar kamid ah dadkaas dibadbaxaya ayaa isugu tagay fagaaraha caanka ah ee Times Square ee Magaalada New York, waxaa ku biiray kumanaan kale oo sii xoojiyay isu soo baxooda sida ay muujinayaan muuqaallo ay soo gudbiyeen Warbaahinta.

Taageerrayaasha Donald Trump ayaa si ay u bahdilaan dibadbaxa waxa ay adeegsadeen ereyo adag oo ay ku muujinayaan cidda ka dambeysa sida in ay dhahaan ‘Dibadbaxa waxaa soo abaabulay dhaqdhaqaaqa bidixda ee Antifa’ iyo ‘Waa Dibadbaxa nacaybka Maraykanka’

Booliiska New York ayaa qiray in isusoobaxu uu yahay mid nabad ah isla markaana ay dibadbaxayaan in ka badan 100 kun oo qof oo si xushmad ka muuqato u muujinaya dareenkooda ka dhanka ah waxa ay dhibsadeen.

Donald Trump ayaa wajahaya culays gudaha ah iyo mid dibadda ah, madaxweynahaan ayaa dhowr jeer eedayn xooggan u jeediyay Xisbiga Mucaaradka ah balse jawaab uusan mahdin ayuu kala kulmay xubno katirsan Xisbigaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here