Diyaaradda Israaiil ee Arkia oo Laga Mabnuucay Hawada Soomaaliya.

0
400

Khamiis, 29, Jan 2026 {HMC} Dowladda Federaalka ayaa guud ahaan hawada Soomaaliya u diidday diyaaradda Israa|l ee Arkia, iyada oo shirkadda diyaaraddan ay sheegtey in ay ku khasbanaan doonto in ay ka wareegto hawada Soomaalida, sida uu ku warramay wargeyska Ynetnews.

DFS weli arrintan kama soo saarin war-rasmi ah, waxa se tani imanaysaa xilli weli ay taagan tahay xiisadda Muqdisho & Telaabiib, ka dib aqoonsiga Somaliland.

Soomaaliya ma siinin shirkadda diyaaradaha ee Israa’iil ee Arkia ogolaansho ay ku duuli karto hawadeeda, taasoo ah tallaabo ku qasbi karta shirkadda diyaaradaha inay beddesho marinkeeda duulimaadka ee Thailand haddii aan la helin oggolaanshaha horraanta Febraayo, sida ay sheegtay shirkadda diyaaradaha.

Dib u dhaca ayaa yimid iyadoo ay jirto xiisad diblomaasiyadeed ka dib go’aankii dhawaan Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland inay tahay waddan madax-bannaan,

Tallaabadaas ayaa Soomaaliya si xooggan uga soo horjeesatay. Soomaaliya waxay diiday sheegashada madaxbannaanida Somaliland waxayna u aragtaa inay qayb muhiim ah ka tahay dhulkeeda.

Dhinaca Kale Dowladda Soomaaliya wali war rasmi ah sooma saarin oo arrintaan la xiriirta.

Isha wargeyska Ynetnews.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here