Talaado 06 Jan 2026 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Gideon Saar ayaa u adeegsaday socdaalka uu ku tagay Somaliland.
diyaarad ganacsi oo nooceedu yahay Airbus A319, kana tirsan shirkadda Fly Lilly Airlines ee ka diiwaangashan dalka Romania. Diyaaradda oo shalay ka soo kacday Telaabiib, waxay soo dulmartay Jordan , Sacuudiga iyo Eritrea, iyadoo ku degtay garoonka diyaaradaha Addis Ababa ,
halkaa oo ay dib uga bilowday maanta duulimaadka ay ku timid garoonka diyaaradaha ee Hargeysa oo inta ay diyaaradan ku jirtay la damiyay qalabka raadaarka (transponders).



