Donald Trump oo ku fashilmayin uu furo Marinka Hormuz .

0
4

Jimco 3 April 2026 {HMC} Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa u muuqda in uu ka quustay furista Marinka Hormuz kaddib markii uu si toos ah u sheegay in aanay dalkiisa adeegsan sidaas awgeed in laga gacan maroojiyo ay tahay arrin u taalla Khaliijka, Yurub & kuwa kale ee isticmaalla.

Donald Trump ayaa la sheegay in uu arrintaan qorshe cusub ka leeyahay maadaama uu fashilmay qorshihii uu lacagta uga qaadan lahaa Dalalka Khaliijka si uu ugu adeegsado dagaalka ka dhanka ah Iiraan maadaama uu la kulmay culays ciidan oo xooggan.

Trump ayaa dhanka kale hadalkiisa loo fasiray in uu raadinayo qaabkii uu uga dib guran lahaa dagaallada bariga Dhexe oo ku noqday si ka duwan maladii uu iska dhaadhiciyay kahor inta uusan fulin duullaankaas sida hadalka loo dhigay.

Iiraan ayaa sida ay doonto u maamusha Marinka Hormuz oo 20% Shidaalka Adduunka maraya, Dalalka ay is fahmaan ayay u fasaxdaa Maraakiibtooda iyada oo horay Tehran u sheegtay in keliya ay halkaas ka xirtay Maraykanka, Israa’iil iyo cid weliba oo garab istaagta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here