spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Donald Trump oo u hanjabay Dowladda Ciraaq hadii ay sameeyaan halkan Arin.

Donald Trump oo u hanjabay Dowladda Ciraaq hadii ay sameeyaan halkan Arin.

0
102

Arbaco 28 Jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka ,Donald Trump ayaa caawa digniin u diray Ciraaq, isagoo sheegay in Mareykanku uusan mar dambe caawin doonin Ciraaq haddii Nouri al-Maliki loo doorto ra’iisul wasaaraha cusub.

Trump wuxuu farriintiisa ku caddeeyay in taageerada Mareykanka ay ku xirnaan doonto jihada hoggaanka cusub ee Ciraaq, taas oo muujinaysa cadaadis siyaasadeed oo toos ah oo Mareykanka ka imaanaya, xilli suurtagalnimada dib u soo laabashada Nouri al-Maliki ee xilka ra’iisul wasaaraha.

Nouri al-Maliki, oo xilka ka degay sanadkii 2014 kadib cadaadis xooggan oo Mareykanka ka yimid, ayaa hadda loo doortay musharrax ra’iisul wasaare oo ay wataan xulafada ugu waaweyn Shiicada ee Ciraaq, taasoo ka dhigan in si rasmi ah loogu soo magacaabi karo xilka, isagoo xataa booqday Tehran , halkaa oo uu kula soo kulmay hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Cali Khamenei.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here