Doon laga leeyahay dalka Iiraan oo la sheegay in lagu weeraray meel u dhow Xeebaha Soomaaliya .

0
11

Khamiis 26 March 2026 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Doon laga leeyahay dalka Iiraan oo la sheegay in lagu weeraray meel u dhow Xeebaha Soomaaliya.

Sida ku xusan qoraal ay saareen Hawlgalka badda ee Midowga Yurub, Doontan laga leeyahay dalka Iiraan ayaa la weeraray xilli ay ku sugneyd meel 400 Neyutikal Meyl kaga beegan Xeebta Muqdisho.

Xarunta Amniga Badda ee Badweynta Hindiya ayaa dhankeeda sheegtay in Doonta ay gacanta u gashay kooxaha weeraray oo la tuhmayo in ay yihiin Burcad-badeed.

Ilaa hadda lama oga xogta rasmiga ah ee goobta la geeyay doonta iyo waxa saarnaa, sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Ilaalada Xeebaha Soomaaliya.

Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa xilli sanadihii la soo dhaafay ay meesha ka baxeen falalka la xiriiray burcadbadeeda khatarta ku ahaa Amniga Xeebaha Soomaaliya.

Dadadaaladaasi ayaa waxaa iska kaashaday Dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah ee ka taageera dhinaca Amniga Badaha sida Turkiga iyo Midowga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here