Sabti 14 March 2026 {HMC} Doon xoolo sidday oo ka soo ambabaxday dekedda Berbera ayaa ku qallibantay xeebaha Ra’sul Caara ee gobolka Lahj ee dalka Yemen, meel u dhow marin-badeedka muhiimka ah ee Bab al-Mandab, taasoo keentay in tiro badan oo xoolo ah ay badda ku le’daan.
Sida ay werisay warbaahinta Yemen, gaar ahaan Yemen Shabab, doontan ayaa sidday ku dhowaad 400 neef oo adhi ah iyo qiyaastii 150 neef oo lo’ ah, kuwaas oo badankood ku naf waayay shilka kadib markii dooni ku degay xeebta agagaarka Ra’sul Caara.
Muuqaallo iyo sawirro ay baahiyeen warbaahinta Yemen iyo saxafiyiin maxalli ah ayaa muujinaya dadka deegaanka oo ka guraya bakhtiga xoolaha doonta, halka qaar kalena ay badda ku daadsan yihiin kadib markii ay ku qaraqmeen.
Wararku waxay sidoo kale tilmaamayaan in Doontu ahayd mid ka samaysan alwaax, waxaana weli aan si rasmi ah loo shaacin sababta keentay shilka iyo xaaladda saxda ah ee shaqaalihii markabka saarnaa.



