Talaado 29 July 2025 {HMC} Dowladda Holland ayaa dalkeeda ka mamnuucday wasiirka maaliyadda ee midigta-fog ee Israa’iil, Bezalel Smotrich iyo wasiirka amniga qaranka, Itamar Ben Gvir, inay galaan dalkaas, taasoo qayb ka ah tillaabooyinka la doonayo in Israa’iil loogu cadaadiyo xaaladda Qaza ka jirta.
Wasiirka arrimaha dibadda Holland, Caspar Veldkamp, ayaa sheegay in labadan qof ay si isdaba joog ah u kiciyeen rabshado ka dhan ah Falastiiniyiinta, ayna xoojiyeen deegaamaynta sharci darrada ah, isla markaana ay ku baaqeen in isir sifayn lagu hayo dadka ku nool Gaza.
Mr Ben Gvir waxa uu sheegay in aan laga joojin doonin taageerada uu siiso ciidamada Israa’iil, waxa uuna Holland ku eedeeyay in ay taageereyso argagaxisada iyada oo qaadacaysa qowmiyadda Yuhuuda.






