spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Dowlada Iran oo loogu baaqay in aysan toogasho ku fulin haweeney

Dowlada Iran oo loogu baaqay in aysan toogasho ku fulin haweeney

0
34

Arbaco 24, Dec 2025 {HMC} Qaramada Midoobay iyo 400 oo haween caan ah ayaa ugu baaqay Iran inay joojiso xukunka dilka ah ee lagu xukumay Zahra Tabari, oo ah 67 jir injineer koronto ah, una dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka.

Tabari ayaa la xiray bishii April waxaana lagu eedeeyay in ay la shaqeysay kooxda la mamnuucay ee mucaaradka ah, Ururka Mujaahidiinta Iraan {PMOI}, sida ay sheegeen qoyskeeda.

Bishii Oktoobar, Tabari ayaa maxkamad ku taal Rasht ku xukuntay dil toogasho ka dib markii maxkamad lagu soo bandhigay xiriir muuqaal ah oo socday wax ka yar 10 daqiiqo.

Qoyskeeda ayaa sheegay in go’aanka uu ku saleysan yahay cadeymo aad u xaddidan oo aan la isku halleyn karin: gabal maro ah oo ay ku qoran yihiin “Naag, Iska caabin, Xoriyad”, iyo fariin cod ah oo aan la daabicin.

Maamulka Iran ayaan weli ka hadlin arrintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here