spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Dowlada Japan oo casriyaynta Kaabayaasha Kalluunka Soomaaliya

Dowlada Japan oo casriyaynta Kaabayaasha Kalluunka Soomaaliya

0
27

Sabti 1,NOV 2025 {HMC} Dowladda Japan ayaa $2 Milyan oo Doollar ku bixinaysa casriyaynta kaabayaasha Kalluunka Soomaaliya, deeqsaan waxa ay Xukuumadda Tokyo soo marinaysaa Hay’adda Cunnada & Beeraha Qaramada Midoobay u qaabilsan ee FAO

 

Mashruucaan waxaa ku jira Dhismaha xarun ay Dowladda iy Kalluumaysatada ku howlgali doonnaan oo laga dhisayo Magaalada Muqdisho, Suuq Kalluun oo ilayska Qorraxda ku shaqeeya oo leh Qaboojiye weyn iyo xarun muhiim u ah adeegga doomaha

 

Safiirka Japan ee Soomaaliya Matsuura Hiroshi ayaa sheegay in qorshahaan uu qayb ka yahay xoojinta Dhaqaalaha Buluugga ah si loo gaarana Dowladda Federaalka ay u baahan tahay in laga gacansiiyo waxyaabaha ay doonayso in laga caawiyo

 

Danjire Matsuura Hiroshi ayaa sheegay in Dalkiisa ay ka go’an tahay garab istaagga Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa uu ballanqaaday in uu xoojinayo iskaashiga labada Dal inta uu yahay Danjiraha Dalkaas ee Soomaaliya

 

Dowladda Soomaaliya waxa ay doonaysaa in ay tartan u gasho sidii dalalka kala duwan ee Caalamka ugu iibgayn lahayd khayraadkeeda si ay u hesho dhaqaale abuuri kara fursado kala duwan sida shaqada iyo horumarinta dhaqaalaha Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here