Sabdi 21 March 2026 {HMC} Maraykanka ayaa soo bandhigay ciidan katirsan cutubka 82aad ee Hawada uga booda Diyaaradaha si ay u fuliyaan howlgallada culus ee lagu beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin dadka ay xiligaas bartilmaameedsanayaan.
Ciidankaan ayaa loo diray Bariga sida uu sheegay Teleefishinka CBS News isaga oo intaas ku daray in aanay la ogayn halka ay caga-dhiganayaan iyo cidda ay beegsanayaan maadaama mar weliba oo ay safraan howlgal culus ay fuliyaan.
Washington oo ku guuldaraysatay howlgallada dhulka ah ee Iiraan ka dhanka ah ayaa la sheegay in ay qaadayso tallaabooyin hadal hayn cusub abuuri kara mar haddii ciidankooda cirka ay gaari waayeen guullo muuqda oo ka dhan ah Tehran.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa maalin kahor qiray in uu guuldaraystay qorshihii ciidamada dhulka ku gali lahaa Iiraan ayaa xusay in ay wadaan dedaallo kale balse uusan sheegin nooca qorshahaas iyo waqtiga la fulinayo.



