Dowlada Masar oo Muqdisho soo gaarsiisay Saraakiil iyo saanad Milateri

0
101

Arbaco 28, August 2024 {HMC} – Diyaarado kuwa xamuulka ah oo ay leeyihiin Milateriga Masar ayaa ka soo dagay Garoonka dayuuradaha Muqdisho,

Waxay sideen Agabyo milateri iyo saraakiil ciidan, kuwaasoo ku sii jeeda gobolka Hiiraan oo ciidamadan qeyb ka mid ah la geyn doono

10 kun oo ka mid ah Askarta Masar ayaa la geynayaa Soomaaliya, bilowga sanadka soo socda waxayna ka howlgeli doonaan (Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug) iyadoo 5 kun ay ka mid noqonayaan Ciidanka howlgalka cusub ee AUSSOM, halka 5kun oo kalena ay ahaanayaan kuwa madax banaan, oo taageeraya DFS.

Sidoo Xalay duulimaadyo milateri ayaa tagay Muqdisho, kuwaasoo keenay Saanad milateri, waana sii kordhi doonaan todobaadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here