Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Xukuumadda Soomaaliya ayaa billowday kulamo xal loogu raadinayo xakamaynta abaaraha ka jira qaybo kamid ah Dalka, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa maalmo gudahood kula kulmay wakiillo kala duwan oo danaynaya ka qaybgalka arrintaan.
Xamsa Cabdi Barre ayaa fadhi gaar ah la qaatay Safiirrada Dalalka Shiinaha, Ruushka, Qatar, Imaaraatka Carabta, Masar, Sacuudi Carabiya & Hay’ado kala duwan oo ka shaqeeya arrimaha Bani aadamnimada si ay qayb uga noqdaan u gurmashada Dadka abaartu saamaysay.
Wakiilladaan ayaa dhankooda ballanqaaday in ay xoogga saarayaan sidii gargaar bani aadamnimo oo degdeg ah ugu soo diri lahaayeen Soomaaliya si ay Dowladdu ugu qaybiyo ama u gaarsiiso dadka u baahan.
Koofurta, Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya waxaa ka jirta Abaar saamayn taban ku reebtay Dadka iyo duunyada, waxa ay qoysaska qaar billaabeen in ay isaga tagaan deegaannadooda si ay u raadsadaan meelaha ka nabadgalay abaartaas.






