spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Dowlada Soomaaliya oo Mareykanka iyo Venezuela ugu baaqday in ay wada hadlaan

Dowlada Soomaaliya oo Mareykanka iyo Venezuela ugu baaqday in ay wada hadlaan

0
28

Arbaco 24, Dec 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay kulan ay yeesheen golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo diiradda lagu saarey xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa Mareykanka iyo Venezuela.

Wakiilka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ayaa sheegay in ay ku baaqayaan wada hadal iyo in dhinacyada ay muujiyaan mas’uuliyad.

Waxa uu ku baaqay in Qaramada Midoobay ay door hoggaamineed ka qaadato sidii loo gaari lahaa xal ku yimaada wada xaajood ay yeeshaan Mareykanka iyo Venesuela.

Soomaaliya ayaa muujisay in ay dhexdhexaad ka tahay xiisadda, isla markaasna ay dooneyso in is afgarad laga gaaro qoddobada la isku hayo.

Maxay salka ku heysaa Xiisadda Mareykanka iyo Venesuela?

Xiisadda Mareykanka iyo Venezuela ayaa sii xoogeysatay bilihii la soo dhaafay, kaddib markii maamulka madaxweyne Donald Trump uu kordhiyay cadaadiska siyaasadeed, dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed la saarayo dowladda uu hoggaamiyo Nicolás Maduro.

Mareykanka ayaa Venezuela ku eedeeyay in ay hoy u tahay shabakado waaweyn oo ka ganacsada daroogada, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo khatar ku ah amniga caalamka, gaar ahaan qaaradda Ameerika.

Washington ayaa sheegtay in dakhliga laga helo shidaalka Venezuela ay kala qeybsadaan Dowladda iyo kooxo ka ganacsada daroogada dalkaasi.

Dhinaca kale, dowladda Venezuela ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, iyadoo ku tilmaantay kuwo siyaasadaysan oo uu Mareykanku u adeegsanayo marmarsiiyo uu ku doonayo inuu ku burburiyo dowladda dalkaasi.

Dalalka caalamka sida Ruushka iyo Shiinaha ayaa saacadihii la soo dhaafay soo jeedinayay in dhinacyada wada hadalaan si loo gaaro xal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here