Dowlada Soomaaliya oo sheegtay inay ku biireyso hay’adda Niyukliyerka Aduunka.

0
102

Isniin 26, August 2024 {HMC} Wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku biireyso dhowaan hay’adda Caalamka u qaabilsan tamarta Niyukliyerka”IAEA”.

Mr Cabdirisaaq Cumar Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka wasaaradaha dowlada federalka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in marka la gaaro 16september 2024, ay Soomaaliya ka mid noqon doonto wadamada xubnaha ka ah Hay’ada IAEA.

“Waxaan rabaa in ummada Soomaaliyeed aan u sheego in Soomaaliya aysan hore ugu mid ahayn hay’ada IAEA oo ah hayada maamusha tamarta Niyukliyerka.

waxaan gudbinay codsi ay Soomaaliya uga mid noqoneyso hay’adaas waxaan rajeynayaa in kadib 16 September 2024 ay Soomaaliya xubin ka noqon doonto hay’adaas.”ayuu yiri Wasiirka Batroolka Cabdirisaaq Cumar oo u waramayay warbaahinta qaranka.

Sidoo kale Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar ayaa sheegay in dhowaan qodaalka shidaalka laga bilaabayo dalka Soomaaliya.

“Turkiga waxaan heshiis kula galnay in ay qodaan saddex balook ama saddex xirmo,waxay bilaabi doonaan bilowga bisha Oktoobar ee sanadkan sahminta,horaanta sanadka cusubna waxa ay bilaabayaan qoditaanka shidaalka oo tijaabo ah.”ayuu yiri Wasiirka Batroolka Soomaaliya.

Dowladdaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso ee sanadkan kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here