Sabti 13, Sep 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac oo la hadlay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa ka hadlay dhinacyada Amniga, Ganacsiga, Doorashooyinka, taageerrada la siiyo Dowladda Soomaaliya & arrimo kale.
Saalax Jaamac ayaa ugu horrayn waxa uu sheegay in Amniga Magaalada Muqdisho uu wanaagsan yahay maanta marka la eego sanadihii lasoo dhaafay, waxa uu xusay in tani ay ku timid dedaal wadajir ah oo Shacabka iyo Dowladdu sameeyeen.
“Amniga Muqdisho oo caasimadda dalka ah wuu hagaagsan yahay, weli waxaa jira caqabado inkasta oo Ciidamada ammaanka ay dagaal kula jiraan kooxaha Argagixisada, Dadka Soomaaliyeed waxa ay dagaal kula jiraan koox kamid ah kooxaha dunida ugu khatarta badan,” Ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac, RW ku xigeenka Dalka.
Dowladaha iyo ururrada garab taagan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ka xusay Maraykanka, Turkiga & Ururka Midowga Afrika oo ciidamo ka socda ay joogaan Dalka kuwaas oo ka caawinaya la dagaalanka ‘AS’ sida uu hadalka u dhigay.
Arrimaha Doorashooyinka
Doorashada Dowladdu sheegtay in ay dalka ka hirgalineyso ee qof iyo codka ah ayuu ku sheegay in ay tahay rabitaan Shacabka ah si ay ugu codeeyaan dadka ku metalaya Hay’adaha kala duwan ee maamulka dowladda si meesha looga saaro metalaad wax ku doorashada.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa doorashada qof iyo codka ah ku sifeeyay haddii ay dhacdo hadaf wayn oo la gaaray, Dowladda Federaalka ayuu sheegay in ay dhankeeda qaadayso tallaabo weliba oo lagu gaari karo rumaynta rejadaas.
Markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xafiiska qabtay ayuu Ra’iisul Wasaare ku xigeen Saalax Axmed Jaamac tilmaamay in uu ballanqaaday in awoodda doorashada dib loogu celiyo Shacabka oo la micno ah “Doorasho qof & cod ah.”
Maalgashiga
Ka gudubka caqabadaha uu ugu horreeyo Amniga kuna xigto dejinta siyaasad sal adag leh ayuu xuddun uga dhigay soo jiidashada maalqabeennada doonaya in ay maalgashi ku sameystaan Soomaaliya oo kasoo kabanaysa dhibaatooyinkii ay ka dhashay siyaasadihii is diidanaa.
“Haddii aadan lahayn Hay’ado sal adag waxaa adkaanaya soo jiidashada Ajaanibta Maalgashiga rabta balse haddii aad halkaas xal u heshid waxa aad heleysaa fursado, siyaasadda oo hagaagta waxa ay dhismo u tahay in aad dhisto Mustaqbal wanaagsan,” ayuu yiri RW ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac.
Waxa uu intaas ku daray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka mar uu ka hadlay Mustaqbalka Soomaaliya in ay ka faa’iidaysaneyso khayraatka dabiiciga ah ee alle siiyay, “Mustaqbalka Soomaaliya waa mid muuqda sida cadceeddii oo kale, waxa aan ka faa’iidaysanaynaa khayraatkeenna, Baddeenna, Dhulkeenna & Xoolaheenna.”






