Arbaco July, 8 2025 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag ayaa kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Amb Wang Yu.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay amniga iyo iskaashiga labada dal, iyada oo Shiinaha ku dhawaaqay inuu Soomaaliya ka taageerayo khataraha Miinooyinka la galiyo dhulka.
Danjiraha ayaa ku dhawaaqay in hal milyan oo lacagta dalkaasi ay ku bixinayaan dadaallada miino soo saarista iyo wacyi galinta bulshada.
Danjire Wang Yu ayaa sheegay in ay door muhiim ah ka qaadan doonaan sugida Amniga iyo ka hor tagista khataraha miinooyinka.
Wasiir Fartaag ayaa dhankiisa u mahadceliyay dowladda Shiinaha taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada miino-saarka, qalabaynta hay’adaha ammaanka iyo tayeynta laamaha fulinta sharciga.



