Talaado 30 Sep 2025 {HMC} Khalkhal ba’an ayaa ka jira guud ahaan Afgaanistaan, maalin kadib markii maamulka Taliban ay xireen internetka.
Adeegga taleefoonnada gacanta ayaa hawada ka maqan, duulimaadyo badan ayaa la joojiyay, ganacsiguna waxa uu la daalaa dhacayaa sidii ay u shaqayn lahaayeen.
Taalibaan ma aysan bixin sharaxaad rasmi ah oo ku saabsan xiritaanka internetka. Balse horraantii bishan, mas’uul ka tirsan gobolka uu arrintan ka billaabatay ayaa sheegay in mamnuuciddan uu amray hoggaamiyaha sare si loo xakameeyo waxa uu ugu yeeray “xumaanta”.






