spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Dowladda Aljeeriya oo si adag u cambaareysay Aqoonsigii Israaiil ee Soomaaliland.

Dowladda Aljeeriya oo si adag u cambaareysay Aqoonsigii Israaiil ee Soomaaliland.

0
20

Sabti 27,Dec 2025 {HMC} Dowladda Aljeeriya ayaa si adag u cambaareysay tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay aqoonsiga Soomaaliland, iyadoo ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo ku xadgudbeysa madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Aljeeriya waxay sheegtay in arrintani ay halis ku tahay nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana ay jebinayso shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da Midowga Afrika, iyadoo mar kale caddeysay taageeradeeda buuxda ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here