spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Dowladda Maraykanka oo $70 Milyan oo ku dhisaya Garoon uu u adeegsanayo...

Dowladda Maraykanka oo $70 Milyan oo ku dhisaya Garoon uu u adeegsanayo Duqaymaha AS’ & Daacish.

0
20

Isniin 2 Feb 2026 {HMC}  Dowladda Maraykanka ayaa ballaarisay dhismaha Garoon Militari oo ku yaalla Saldhigga Ciidamadiisa jooga Afrika gaar ahaan Taliska AFRICOM xerada uu ku leeyahay Manda Bay ee Dalka Kenya si loo kordhiyo duqaymaha ka dhanka ah ‘AS’ & Daacish.

Xubno sare oo ka socda Maraykanka ayaa dhagax-dhigay mid kamid ah goobaha ay ku ordaan Diyaaradaha marka ay duullayaan ama ay degayaan (Runway) si ay qayb uga qaado fududaynta howlgallada duqaymaha ah ee Soomaaliya uu dalkaas ka fulinayo.

Ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Christopher Landau ayaa bogaadiyay howlgallada Ciidamadiisa iyo gacansiinta Kenya maadaama ay ku casuumtay saldhiggaan oo muhiim u ah howlgalladooda ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagixisada.

Dhaqaalaha ku baxaya dib u ballaarinta Garoonka Diyaaradaha waa $70 Milyan oo doollar, Saraakiisha AFRICOM ayaa sheegay in tani ay u fududeyneyso fulinta howlgallo degdeg ah oo ka dhaca Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya sida hadalka loo dhigay.

AFRICOM ayaa kordhiyay duqaymaha uu ka fulinayo Soomaaliya sanadkaan 2026, inta diiwaanka la geliyay Bishii Janaayo oo keliya waxa ay ka badan yihiin 25 weerar oo ka kala dhacay Koofurta, Bartamaha & Waqooyi Bari Soomaaliya.

Weerarkii ‘AS’ ay ku qaadday Xerada Manda Bay ee Kenya ayaa la sheegay in khasaara xooggan uu gaaray Saldhiggaas, waxaa loo baahday in la ballaariyo dhismihiisa xeradaas oo ugu danbayn la dhisayo Dhabbe cusub oo Diyaaradaha ay ku ordi karaan (Runway).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here