spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Dowladda Masar oo u oggolaatay Turkiga in uu adeegsado garoonka diyaaradaha Al-Uwaynaat.

Dowladda Masar oo u oggolaatay Turkiga in uu adeegsado garoonka diyaaradaha Al-Uwaynaat.

0
29

Isniin 2 Feb 2026 {HMC} Wargeyska New York Times ayaa daaha ka rogay in Masar ay u oggolaatay Turkiga inuu adeegsado garoonka diyaaradaha Al-Uwaynaat Bariga, oo ku yaalla koonfurta Masar, si saldhiggaasi u noqdo meel laga fuliyo howlgallo ay adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Weerarradaas ayaa lagu beegsanayaa xarumaha ciidamada RSF ee ku sugan gudaha Suudaan, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay taageero toos ah oo la siinayo ciidamada qalabka sida ee Suudaan, kuwaas oo dagaal kula jira RSF.

Wargeysku waxa uu sidoo kale soo bandhigay sawirro dayax-gacmeed oo tayo sare leh, kuwaas oo muujinaya joogitaanka diyaarado xamuul milatari ee Turkiga ah, iyo sidoo kale noocyo ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkigu sameeyo.

Markii ay soo baxeen warbixinnadan, saraakiil ka tirsan Israa’iil ayaa ku fasiray inay tani tahay tusaale cad oo muujinaya hirgelinta dhabta ah ee isbahaysi Sunni ah, kaas oo ay ka mid yihiin Masar, Turkiga, Sacuudiga, Pakistan iyo Qatar—isbahaysi ay Israa’iil u aragto halis amni oo isa soo taraysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here