Khamiis 1, Jan 2026 {HMC} Amiirka Wadanka Qatar,Tamim bin Hamad ayaa dhex dhexaadin ka dhex billaabay ; dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga , Maxamed Bin Salmaan iyo madaxweynaha Imaaraadka Carabta , Mohammed bin Zayed , kaddib markii labada hoggaamiye uu soo kala dhex galay khilaaf bannaanka usoo baxay oo ka dhashay tartanka awoodda gobolka.
Amiirka Wadanka Qatar ayaa maanta labada dhinac telefoon kula xiriiray, sida ay xaqiijiyeen wakaaladaha wararka rasmiga ah ee Dalka Qatar iyo Imaaraadka Carabta.






