spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Dowladda Ruushka oo si adag ugarab istaagtay Dowladda Pakistaan.

Dowladda Ruushka oo si adag ugarab istaagtay Dowladda Pakistaan.

0
25

Isniin 2 Feb 2026 {HMC}  Safaaradda Ruushka ee Pakistan waxay cambaareysay weerarradii argagixiso ee dhawaan ka dhacay Balochistan intii u dhaxaysay 31-ka Janaayo ilaa 1-da Febraayo.

War-saxaafadeed lagu daabacay barta bulshada ee X, safaaraddu waxay tiri, “Waxaan adkaynaynaa in argagixisadu, qaab kasta iyo muuqaal kasta oo ay leedahay, lala dagaallamo.

Waxaan rajeyneynaa in kuwa mas’uulka ka ah falalkan naxariis-darrada ah la aqoonsado laguna soo taago cadaaladda.”

Safaaradda ayaa intaas ku dartay, “Qalbiyadeenu waxay la jiraan qoysaska iyo asxaabta dhibanayaasha ah, waxaana u rajeynaynaa bogsasho degdega ah dhaawacyada.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here