Dowladda Shiinaha oo Soomaaliya ugu wareejiyay deeq lacageed.

0
12

Axed 8 March 2026 {HMC} Dowladda Shiinaha ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) deeq isugu jirta lacag caddaan ah iyo gargaar raashin, taas oo loogu talagalay in wax looga qabto xaaladaha bini’aadanimo ee ka dhashay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo badan oo dalka ka mid ah.

Deeqdan oo ah mid gurmad deg-deg ah ah ayaa ka kooban $2 milyan oo si gaar ah loogu talagalay howlaha gurmadka iyo raashin la gaarsiin doono dadka tabaaleysan.

Munaasabaddii lagu wareejinayay deeqdan, ayaa lagu caddeeyey in kaalmadaan loola jeedo in lagu xasiliyo nolosha dadka ku dhaqan 72 degmo oo ay abaaruhu saameeyeen, iyadoo si gaar ah xoogga loogu saari doono 45 aag oo laga soo sheegay xaalado aad u daran.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa ka mahadceliyey taageerada joogtada ah ee dowladda Shiinaha ay la garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo xusay in kaalmadan ay kusoo beegantay xilli baahi weyn loo qabo.

Dowladda Shiinaha ayaa dhankeeda sheegtay in deeqdan ay qayb ka tahay xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, ayna ka go’an tahay inay sii wadaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya si looga gudbo dhibaatooyinka is-daba-joogga ah ee ka dhasha isbeddelka cimilada iyo abaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here