Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerada Iiraan .

0
13

Khamiis 19 March 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarrada ay Iiraan la beegsatay xarruumaha soo saarista tamarta ee dalalka Sacuudiga, Qadar iyo Imaaradka Carabta.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay weerarada Iiraan kuwo ka hor imaanaya shuruucda caalamiga iyo madaxbannaanida dalkaasi.

“Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa garab istaageeda buuxa ee dawladaha iyo shucuubta Sacuudi Carabiya, Qadar, iyo Imaaraadka, waxayna taageeraysaa tallaabooyinka lagu ilaalinayo madax-bannaanidooda” ayaa lagu yiri Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in wada hadal lagu dhammeeyo khilaafka ka taagan dalalka Bariga Dhexe gaar ahaan dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo kaashanaya Israa’iil.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay weli ka go’an tahay inay la shaqayso saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo dhiirrigeliyo nabadda, loona ilaaliyo kaabayaasha tamarta ee muhiimka ah” ayaa lagu yiri Bayaanka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Bayaanka oo ku qoran Luuqadda Ingiriiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here