Dowladda Soomaaliya oo sheegtay meelaha helidoonaan saamiga ugu badan dakhliga shidaalka.

0
13

Axad 12 April 2026 {HMC} Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowladda federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in dowlad-goboleedyada ay heli doonaan saamiga ugu badan ee dakhliga ka soo xarooda shidaalka, iyadoo loo marayo heshiis hore oo lagu gaaray qaybsiga khayraadka dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in heshiiska “Baydhabo Agreement” ee la gaaray sanadkii 2018 uu dhigayo qaabka loo qeybsanayo kheyraadka dabiiciga ah, isagoo xusay in dowlad-goboleedyadu ay xaq u leeyihiin ilaa boqolkiiba 60 dakhliga qaar, halka dowladda federaalka ay heli karto boqolkiiba 40 tusaale ahaan, iyadoo qaabkan uu ku saleysan yahay nidaam lagu heshiiyay.

“Waxa jira wax la yiraahdo signing bonus, kaas oo dowlad-goboleedyadu ay qaataan marka heshiisyada la saxiixayo,” ayuu yiri wasiirku, isaga oo xusay in xogtaas ay tahay mid si furan loo heli karo.

Wasiir Daahir Shire wuxuu sidoo kale sheegay in qaybinta dakhliga ay gaarto heer degmo iyo deegaan, gaar ahaan meelaha laga soo saaro shidaalka, taas oo uu ku tilmaamay nidaam farsamo oo ku dhisan heshiisyo siyaasadeed oo ay gaareen hoggaamiyeyaashii hore.

Hase yeeshee, wasiirka ayaa qiray in heshiisyadaas dib loo eegi karo, isagoo xusay in ay jirto aragtiyo kala duwan oo ay soo jeediyeen mas’uuliyiin, oo ay ku jiraan qaar ka tirsan wasaaradda maaliyadda, kuwaas oo qaba in wax laga beddelo habka qaybsiga khayraadka Soomaaliya.

Marka laga hadlayo hufnaanta, ayuu wasiirku difaacay nidaamka maaliyadeed ee dalka, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay marayso marxalad ka wanaagsan kuwii hore marka la eego isla-xisaabtanka iyo kormeerka dhaqaalaha.

“Maanta maaliyad ahaan waxaan joognaa meel ka wanaagsan sidii hore, waxaana jira nidaamyo audit iyo isla-xisaabtan shaqeynaya,” ayuu yiri, isaga oo diiday in si fudud loo qarin karo ama loo musuqmaasuqi karo dakhliga ka soo xarooda khayraadka dalka.

Si kasta ha ahaatee, hadalka wasiirka ayaa muujinaya in Dowlad Goboleedka Galmudug oo laga qodayo ceelka ugu horreeya ee shidaalka laga soo saarayo, uu yeelan doono 60% dakhliga shidaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here