Sabdi 3, Jan 2026 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay doorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee taageeridda wada-hadalka qaran ee Yemen, gaar ahaan martigelinta shirweyne ka dhacaya Riyadh.
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in hindisahani uu xoojinayo wada-hadal nabadeed oo lagu ilaalinayo midnimada, madax-bannaanida iyo xasilloonida Yemen, isla markaana ay taageersan tahay dhammaan dadaallada lagu gaari karo nabad waarta.




